Thursday, 27 October 2022
Taariikhda Magaalada Qadiimiga ah ee Baargaal
Baargaal " Maagaaladii Nabdooneyd "
Hordhac Magaalada Baargaaal oo dhacda badweynta hindiya waxay hoostagtaa Gobolka Bari marka loo eego miqyaaskii hore
iyo goboladii dawladii dhexe ee soomaaliya kusinaa Hadase waa magaalo Hoostagta
Degmada Caluula oo magaalo madax u ah Gobolka "Gardafuu" ee Maamulka Puntland ee
soomaaliyeed.
Ubuc
Magaca Baargaal ayaa asal ahaan kayimid "Baar" oo macnaheedu
yahay Meel sare "Gaal" oo ah qof aan diinta islaamka haysan sidaas aawadeed
baargaal ayaa micnaheedu yahay Tuurtii gaalku daganaa, asal ahaan magaalada
baargaal waa lasoo minguuriyey oo hada baargaasha cusub ma ahan meeshii magacu
ku baxay, magaaladii hore wey aasmatay ama duugmatay. Baargaal waa magaalo
xeebeed facweyn oo dhisan muddo kabadan 2 labo qarni Magaalada baargaal ayaa ku
taala meel istaraatiiji ah taasoo kulaasha marin biyoodka "Cadan".
marka lagahadlayo istaraatiijiyada magaalooyinka dhaca baddaha waxaa halbeeg looga dhigaa
sadex waxyaabood 1.Inay magaaladu leedahay Marso Gaadiidku soodhigan karo ama
kulaasho marso 2.Inay magaaladu u dhow dahay Marin biyood 3.
Inay magaaladu leedahay wado sahlan oo Shixnadaha magaalada lakeeno looga gudbinkaro
magaaloyinka kale isla markaasna iyada wax laga dhoofin karo.
Baargaal ayaa ah magaalo kulansatay Sadexdaasba .
Magaaladan waxaa Dhanka waqooyi kasaaran Marsada Gufka Dhanka Koonfureedna waxaa ka saaran Marsada Bini sidooo kale waxey
ka mid tahay magaalooyin dhif ah oo ku xirra Gobolad Puntland dalalka Yaman
Cumaan Iyo jasiirada Inagga maqan ee suqadara.
Baargaal ayaa leh taariikh facweyn oo kusalaysan nabad sida aan kasoo dheegtay Odayaasha deegaanka
Magaaladan waxay aheyd kolkii u horaysay ee qof lagu dilay ama dhiig ku daatay
gudaheeda "2009" tan iyo markii la asaasey.
Waxaa magaalada soomaray xukuno kaladuwan sida Gumaystihii Talyaaniga Boqortooyadii Majeerteeniya Dawladii Dhexe iyo
Maamulka hada ay hoostagto ee Puntland.
Magaaladan Ayaaleh dhamaan kheyraadka ay Somaliya caanka ku tahay Sida xoolaha nool kaluunka Beeraha gaar ahaan Timirta
Iyo Maydiga. Taasoo kayeeshay magaaladan magaalo Dakhli farabadan ugasoo xereedo
Maamulka Puntland ee Soomaaliyeed.
Gunaanad iyo Cudurdaarsho
Taasina waa qeybyar oo ka mid ah warbixinta Magaalada qadiimiga ah ee "Baargaal" Waxaan ka cudur
daaranayaa inaan Waxbadan ka tagey oo aysan iisuurta gelin inaan qoro dhamaan
taariikhdii Magaalada xadaaradaha badan ee Baargaal.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
Taariikhda Magaalada Qadiimiga ah ee Baargaal
Baargaal " Maagaaladii Nabdooneyd " Hordhac Magaalada Baargaaal oo dhacda badweynta hindiya waxay hoostagtaa Gobolka Bari marka l...
No comments:
Post a Comment